















๐๐๐๐๐ซ ๐๐ก๐๐ช๐จ ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐จ ๐ฆ๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐ฑ๐ข๐ฅ ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ซ๐.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho shaqo oo rasmi ah ku tagay Magaalada Berbera.
Jidka dheer ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, Madaxweynaha iyo wefgigiisa waxa si diirran oo farxad leh ugu soo dhaweeyey shacab tiro badan, taasi oo muujinaysa taageerada xooggan iyo kalsoonida ay bulshada ku qabaan Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Ujeeddada safarka Madaxweynuhu waxa weeyi kormeer iyo u-kuur-gal hab-sami-u-socodka hawlaha Qaranka, Mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada Berbera, sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu shirar shaqo la qaadan doonaa Maamulka Gobolka iyo Degmadda, isaga oo kala hadli doona arrimaha istaraatiijiga ah ee ku saabsan horumarinta Dekedda Berbera, Amniga iyo tayaynta adeegyada magaalada ee muhiimka u ah nolosha bulshada, sida Korontada, Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.





