
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa nuqul kamid ah lagu yidhi.
“Duullimaad kasta oo ku dul-mara hawada Somaliland iyada oo aan oggolaansho laga haysan waxaa loo aqoonsan doonaa jebinta madax-bannaanida qaranka, waxaana laga qaadi karaa tallaabo sharci oo waafaqsan xeerarka gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee duulista.
Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay badbaado, hufnaan, iyo wadashaqayn caalami ah oo dhanka duulista ah, iyadoo u mahadcelinaysa diyaaradaha, shirkadaha duulimaadka, iyo waddamada iskaashiga la leh ee fulinaya amarkan.”






