Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cambaaraysay sheegashooyinka been-abuurka ah ee maamulka Muqdisho ay ka sheegeen dekedda caalamiga ah ee Berbera.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa si adag ugu jawaabay hadallo ka soo yeedhay Soomaaliya, waxaanu sidaas kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

Afhayeenku wuxuu sheegay in marsada caalamiga ah ee Berbera ay tahay hanti ay mulkiyadeeda leedahay JSL, taasi oo lagu horumariyay maalgashi iyo iskaashi istaraatiji ah oo ay Somaliland la leedahay shirkad caalami ah, wuxuuna caddeeyay in dekedda Berbera maamulkeedu gacanta ugu jiro dawladda Somaliland.

Xuseen Deyr wuxuu hoosta ka xariiqay in dawladda Soomaaliya aanay wax masuuliyad ah ku lahayn dekedda Berbera, isla markaana wax shaqo ah ku lahayn maamulkeeda iyo hormarkeedaba.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in sheegashooyinka waxba kama jiraanka ah ee maamulka Muqdisho ay qeyb ka tahay iskudaygooda joogtada ah ee ay doonayaan inay ku marin habaabiyaan shacbigooda, si ay uga jeediyaan guuldarooyinka bariinsaday ee ay ka mid yihiin amni darrada, argagixisada,musuqa iyo burburka Hay’adahooda dawladda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland marna ma ogolaanayso in madaxbannaanideeda iyo horumarkeeda lagu dhaawaco dacaayado been ah,” ayuu yidhi Afhayeen Deyr.

Waxa kaloo uu xusay in beesha caalamku ka dheregsan tahay xaqiiqada dekedda Berbera oo ka turjumaysa xasiloonida iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.