Somaliland ayaa Gaashaanka ku Dhufatay In Hawlgalka ATMIS Shaqadeeda lagu soo daro inay ka hawlgasho Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhufatay hadal kastoo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ku tilmaamayo in shaqada hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay ku jirto Somaliland. Somaliland waa dal madax-banaan, ATMIS-na waligeed ma noqon ka shaqeysa Somaliland.
War saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lagu yidhi,
“Somaliland marar badan ayey hore ugu sheegtay mowqifkeeda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, imikana xukuumaddu waxay aaminsan tahay inay muhiim tahay in mar kale la bayaamiyo, iyadoo la eegayo xaaladihii u dambeeyay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeynaya qaraar qabyo ah oo khuseeya muddo kordhinta ATMIS ee Soomaaliya, waxaanu rumaysanahay in qaraarkani sidoo kale u muuqan karo mid soo jeedinaya in ATMIS-ka shaqadiisa ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland aad ayay uga walaacsan tahay taladan. AMISOM iyo kuwa beddelaya (ATMIS) ayaa ah howlgal nabad ilaalin ah oo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo 2007 si ay dowladda Soomaaliya uga caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.
Marka la eego qoraalkii ergadii xaqiiqo-raadinta ee AU-da ee sannadkii 2005-tii, waxay si cad u sheegtay in “tan iyo markii lagu dhawaaqay May 18-keedii 1991-kii, ay Somaliland leedahay sifooyinkii dawladnimada casriga ah”. Haddaba, ATMIS-na marna looma igman inay ka hawl-galaan Somaliland, waxaanay dawladda Somaliland marar badan si cad ugu sheegtay arrinkaa Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.
Xukuumadda Somaliland waxay u soo jeedinaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay saxaan mawqifkooda ku wajahan go’aan kastoo shaqada ATMIS ku xidhiidhinaya Somaliland, lana ixtiraamo rabitaanka shacabka Somaliland ee ah inay noqdaan dal madax-bannaan.”