Somaliland ayaa shaacisay in aan gobolka Salel laga ogalayn cid hub sidata oo aan ka ahayn Ciidanka Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, oo maalmihi ugu danbeeyay safar shaqo ku marayey Gobollada Galbeedka Somaliland, ayaa Kormeeray fadhiisamada Ciidanka Qaranka ee Gobolka Selel.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Saraakiisha kale ee safarkan Taliyaha ku wehelinayay ayaa kulan la yeeshay Odayaasha, Cuqaasha Deegaanka Xariirad iyo Habaas, waxaanay isla garteen in ammaanka Gobolka Ciidanka Qaranka lagu tageero iyo in aan la ogolaan doonin cid aan Ciidanka Qaranka ahayn oo hub qaadata.

Luqmaan Maxamed Faarax