Somaliland iyo EU-da oo ka Wada Hadlay Wada Shaqeynta Deegaanka
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa kulan la qaatay wefti ka socda xafiiska Midawga Yurub ee loo yaqaan EUCAP oo uu hoggaaminayo Madaxa xafiiskaasi ee Somaliland Mr. Brendan Kenny.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo bilaabi lahaa Siyaasada deegaanka Badda JSL.
Kulanka oo ahaa kii saddexaad ayaa ku soo dhammaaday is fahan wanaagsan iyo in shaqada la bilaabo.