Xukuumadda Somaliland iyo qaramada Midoobay,ayaa ka wada hadlay saamaynta isbedelka Cimilada iyo la qabsigeeda. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geelijre,ayaa kulan la yeeshay, wefti ka socday Hayaโadda Qaramada Midoobay ee la yidhaahdo UN Capita Development Fund (UNCDF) oo booqasho ku jooga dalka.
Kulanka weftiga iyo wasiirka oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka Cimilada Cabdilaahi Jaamac Cismaan,ayaa lagaga wada hadlay isbedelka Cimilada iyo siday uga wada shaqayn lahaayeen Somaliland iyo qaramada Midoobay isbedelka cimilada saamaynta ka dhalata iyo laqabsigeeda.
Kulanka wasiirka oo ay ku wehelinyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Abdi Ali Mahdi, iyo La-taliyayaasha Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03.03.2026 kulan la qaatay
Weftigan dhanka UNCDF oo hogaaminayey Dr. Mkhululi Nucbe oo ah Country Manager, iyo Dr. Brend Panella oo aheyd Investment Specialist iyo Mohamed Ahmed oo ah Programme specialist.
Kulanka ayaa intii uu socday, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo mashaariicda la xidhiidha la qabsiga iyo yaraynta saameynta isbeddelka cimilada (WASH and Climate Resilience).
Kulanka waxa uu muujinayaa sida ay Wasaaradda Deegaanka uga goโan tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo helidda maalgelin lagu hirgeliyo mashaariic wax-ku-ool ah oo wax ka tara caqabadaha isbeddelka cimilada, gaar ahaan kuwa saameeya bulshada nugul iyo deegaanka.





