Madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump oo khudbad ka jeediyay goob fagaare ah oo ku taalla gobolka Ohio ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay in Soomaaliya iyo Somaliland kala yihiin laba waddan oo kala duwan.
Trump ayaa sheegay in dad badani jecel yihiin ama ay danaynayaa Somaliland balse waxa uu Trump dood keenay magaca Somaliland isaga oo soo jeediyey in ay iska beddelaan magaca Somaliland oo sida muuqata uu ka dhadhan saday isu-dhawaanshaha labada magac ee Soomaaliya iyo Somalilland.
Maaha markii kowaad ee Trump uu soo hadal qaado magaca Somaliland tan iyo markii uu talada ku soo laabtay waxayna ahayd sannadkii hore markiii uu sheegay in ay daraasad ku wadaan arrimaha Somaliland.
Trump ayaa si weyn u dhaliilay Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dal aan dawladi ka jirin.





