SOMALILAND MA HOGAAN XUMEY SOOL KU WEYDEY MISE RAGAN BAA KHALAD KA GALEY. WAXAAN QABA HOGAANTA MAANTA WAX KA KHALDAMEEN.

Madaxweyne Intan oo Siyaasi. Maxey Somaliland ku lumisey. Ma qabyaaladd mise hogaan xumaantadda. Shacabow bal isweydiya. Qoraalkana wadda akhriya.

■ Cali khaliif isagoo si walba u garnaqsaddey buu dhintey AHN.

■ Ataash adaa soo ciyaarsiyey oo yidhi urur furo. Wasiir intaad ka dhigtaad ku tidhi is casil. Markuu Baarlamanka isu sharaxeyna ku yidhi ii taanasul. Markuu ku maqley ee aad tidhi urur furo. Markuu kala hadley xaaladda sool ee ka quustey dalkii ka dhaqaaqey.

■ Xaglo toosiyo farimaad hoosta ka laheyd adna furo. Urur adaa Muj SSC ah. Dhamaan tageerayaashii kulmiye ku yidhi u camira. Markii uu fariimo ku soo direy ee rabey inuu xaaladda Sool kala taliyo aad albaabka ka xidhatey.

Golaha baarlamanka dagaalka ka gashey Farartoon waa la ogaa. Hadana daacad kaamey aheyn. Waaka ka cadhoodey ee Somaliland leh. Waar maxaa xal ee Mohamoud Xashi leeyahey. Waar ninkii, ninkii ka yimi

Xisaabta aan isu wadda geyne. Ma waxaad tirineysa inta siyaasi dhulbahante aad Somaliland ka saartey.

Hadaba shacabku ha is weydiiyo.

Maxadweyne Cigaal imisa Siyaasi oo culus oo dhulbante ka soo jeeda ka tagey ama is fahmi waayeen. Waa laba labadiina wuu ka war hayay kana daba tagey qaarkood xajku geeyey.

Daahir Rayaale wuu ku mintidey Sool in aan xabaddi ka dhacin isagoo ilaaladisii la laaayey.
Waxuna ku guuleystey iney is fahmaan isaga iyo reer Sool. Gobolka sool maamulka Somaliland ka hirgaliyey.

Ahmed Siilaanyo ilaa Taleex Buu socdey. SSC iyo Khatumo heshiiis la galley. Wuuna soo afjarey khilaafkii jirey.

Hadaba Madaxweyne muusow. Adigu qarankii iyo Gobolkii Sool. Ma waxaad ku soo ururisey waa faqash ha ina dhafaan. Ciidanka qarankuna Goojacadde ha joogo.

Talo qaranimo iyo hogaamineed kumaad talin. Fashilka xukumadaaadana waxaad rabta inaad ku qariso qabyaaladd aan sal iyo raadtoona laheyn.

Somaliland Nasiibkeeda u hiilin.
Balse Hogaan Xumaa Heshey.
Ninka intaas ka murmi kara ha soo baxo.

Waxba ina khaliif tagidiisu waa shaqsi
Waxase ka weyn nuxurka iyo saameynta dalka

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari