Somaliland oo Iska Fogaysay Dilka Abwaan Jaamac Kadiye
Hargeysa(Qaran)-Xukuumada ayaa iska fogeysay, isla markaana cambaaraysay dilka loo gaystay Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo ka mid ahaa hal abuurka iyo haldoorka dalka oo kooxaha aragagixisada iyo huwanta ku sugan magaalada Laascaanood dileen.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga JSL ayaa lagu sheegay in dilka Abwaanka ay ka dambeeyeen kooxaha Aragagixisada ah ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanu u dhignaa sidan;
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si weyn uga xuntahay shaacinta dilkii naxdinta lahaa ee loo geystay Abwaan Jaamac kediye. Waxaa qalbiyadeena aan ka soo tabineynaa geeridii lama filaanka ahayd ee ay shalay koox argagaxiso ah ku dishay magaalada Laascaanood.
Waxaanu caddeynayaa inuu dhicin wax iska-horimaad dagaal oo dhexmaray Ciidamada Qaranka iyo kooxaha huwanta, ciidamada Puntland iyo kooxda argagxisada ee Laascaanood shalay.
Waxaan ka soo horjeednaa marain-habaabinta xaqiida, nagana go’an baadhitaan rasmi ah si dembiilayaasha ka dambeeyey sharciga loo horkeeno.
Wasaaradda Gaashaandhiga waxa ka go’an nabad iyo xasilooni ka dhacda gobolka Sool, si weyna uuga shaqeynaysaa nabadgelyada iyo amaanka dhamaan muwaadiniinteeda.
Waxaan ugu baaqaynaa Beesha Caalamka inay dhaleeceeyaan dilalka kooxaha argagxisada ee ku dhuumanaya Laascaanood u geysanayaan dadka rayidka ah. Waxa naga go’an la dagaalanka argagxisada iyo nabadgelyadda bulshada.