Xukuumadda Somaliland oo Dalalka reer Galbeedka ugu Baaqday inay kala Tashadaan Xal u helida Xasaradaha ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqday dawladaha reer galbeedka inay xal u helida xasaradaha badda cas iyo gacanka cadmeed kala tashadaan dawladaha mandaqadaas ku yaalla ee ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sidaasi ku sheegay farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), taasi oo u qornayd sidan:-

“Dawladaha reer galbeedku ma keenaan xal, isla markaana lama tashadaan dadka aqoonta u leh xaaladda. Sidoo kale mararka qaarkood way uga sii daraan xaaladdu siday ahayd markii hore.

Xiisadaha iyo xasaradaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed laguma furdaamin karo duqaymaha gantaallo lagu bar tilmaameedsado meelo si aan kala sooc lahayn.

Dalalka la jaarka ah badda cas oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland waa in lagala tashadaa; haddii daacad laga yahay xal ka dhallinta xasaradaha gacanka cadmeed iyo badda cas.”