Somaliland oo Hirgelinaysa Wershad Soo-saarta

Hargeysa(Qaran)- Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka cimilada Somaliland Marwo Shukri 7y dhawaan xadhiga ka jari doonaan warshad soo saarta bacaha, bacahaasi oo ay wasiirku sheegtay inay yihiin kuwo la fal-galaya carada dhulka, sidoo kalena ka cimri yar bacaha kale.

Wasiirka ayaa sheegay inay Warshada bacaha soo saaray ay leeyihiin muwaadiniin dalka u dhashay oo warshada ka keenaya dalka Ingiriiska, bacaha ay soo-saarayaana ay badeli doonaa bacihii kootarbaanka ahaa ee dalka soo gali jiray.

Sidoo kale waxa ay sheegtay inay dhawaan fureen wershada ay hirgaliyeen muwaadiniin Somaliland ah, taasi oo geedka Garan-waaga u badesha dhuxul la shito, taasina lagag maarmayo xaalufka deegaanka iyo jarista dhirta.

Wasiir Shukri Baandare ayaa sheegtay inay sanadkan qaybiyeen laba boqol iyo labaatan kun oo geed, kana qaybiyeen dhamman gobollada iyo dagmooyinka dalka.

Sidoo kale wasiir Shukri Baandare ayaa sheegtay in sadex goobood oo hore ay u daganaayeen duur-joogto laga raray, loona raray xarunta daryeelka duur-joogta ee Geed Deeble.