Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo Jawaab Kulul ka Bixisay Warmurtiyeed ka soo baxay Shir ay yeesheen Dalalka G7

Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabtay war murtiyeed laga soo saaray shirkii dalalka G7.

Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay oo Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ay soo turjuntay, waxa uu u qornaa sidan:-

“Markaba horeba waxa Xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee G7, kaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay “inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.”

Waa dacaadnimo darro iyo wax aan laga aqbali karin dawladaha G7 oo si wanaagsan uga warqaba taariikhda midowgii labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya inuu ahaa mid aan sharciyad ku sallaysnayn oo uu meesha ka baxay markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya. In lagu tilmaamo “Somaliland gobol ka mid ah Soomaaliya” iyo in magacyo la iska abuurto,la iskuna dayo in la tirtiro taariikhddu ma beddeli karto xaqiiqda iyo waaqiga dhabta ah.”

Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa kaloo uu intaas ku daray “Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madaxbannaan oo leh shuruucdiisa iyo dastuurkiisa, kaasi oo lagu meelmariyay afti dadweyne oo si dimuqraadi ah u dhacday.”

“Waa wax lagu dawakho in la arko dalalka G7 oo sheegta inay fulinayaan dimuqraadiyaddu ay go’aansadaan inay dayacaan xaqiiqada dimuqraadiyadda dhabta ah iyo deganaanshaha Somaliland,” ayaa lagu warmurtiyeedka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland.

Sidoo kale, waxa warsaxaafadeedka lagu caddeeyay “in Qarannimada
Somaliland ay tahay lama taabtaan aan laga gorgortami karin, waxana Xukuumadda Somaliland ay si adag u diidan tahay iskuday kasta oo lagu wiiqayo himilooyinka iyo rabitaanka nabdoon ee shacbigeeda.”

Ugu dambayn wasaaradda arrimaha dibaddu waxay u xaqiijisay dalalka G7 inay la socdaan gardarooyinka isa soo taraya ee Soomaaliya iyo iskudayga hoggaankeedu wadaa ay dib u soo istaadhi karto colaadii hore u dhex taalay Somaliland iyo Soomaaliya iyo mid cusub oo ay ka abuurto mandaqada dawladda taagta daran ee Muqdisho.”