



Wafti uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, kana kooban masuuliyiin Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ah iyo Komishanka Xakaaynta AIDS-ka, oo ku sugan magaalada Nairobi, ayaa ka qaybgalaya Kulanka Global Fund (GC8).
Kulankan waxaa diiradda lagu saarayaa soo bandhigista iyo ka doodista mudnaanta caafimaad ee Somaliland ee la xidhiidha cudurrada HIV, qaaxada (TB), iyo duumada (malaria). Wafdigu wuxuu muujinayaa sida ay Somaliland uga go’an tahay yareynta saameynta cudurradan ku leeyihiin bulshada, iyada oo la adeegsanayo qorsheyaal istaraatiiji ah, tallaabooyin ku saleysan xog, iyo xoojinta nidaamka adeegyada caafimaadka.
Kulankan ayaa intii uu socday waxaa si dhow loogu gorfeeyey mudnaanta istaraatiijiga ah ee Somaliland ee la xidhiidha cudurrada HIV, qaaxada (TB), iyo duumada (malaria), iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyey caqabadaha jira, fursadaha horumarineed, iyo sida ugu habboon ee loo waafajin karo taageerada Global Fund (GC8) baahiyaha dhabta ah ee dalka.
Sidoo kale, waxaa diiradda la saaray xoojinta nidaamyada caafimaadka, horumarinta adeegyada ka hortagga iyo daaweynta, iyo kor u qaadidda wada-shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay ka mid yihiin UNICEF iyo World Health Organization, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana waara.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxay si dhow ula shaqaynaysaa hay’adaha caalamiga ah sida Global Financing Facility (GFF), Foreign, Commonwealth & Development Office (FCDO), UNICEF, iyo World Health Organization, si loo horumariyo tayada, helitaanka, iyo adkeysiga adeegyada caafimaadka ee dalka Somaliland.





