Somaliland oo ka Qayb Gashay Shir Caalamiya oo lagu Qabtay Veitnam


Hargeysa(Qaran news)-Shir lagaga hadlayay Dimuqraadiyadda,Hoggaaminta iyo Xuquuqal insaanka ayaa Sannadkan lagu qabtay dalka Veitnam,Waxana dalalkii ka qaybgalay ka mid ahayd Somaliland.

Madashan oo uu ka dhex babanayay Calanka Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa Aasaasay senetor-kii hore ee Aqalka Baarlamaanka Maraykanaka Senator John McCain,
McCani Institute oo ah urur u dhaqdhaqaaqa demuqradiyadda,Hoggaaminta iyo xuquuqul insaanka.

Waxa shirkan ka qayb galay 29 qof oo kala socda 24 waddan, kuwaasi oo isugu Jiray xubno ka mida barlaamanka Yurub, lataliyayaal madaxweyne, suxufiyiin, ciidamada iyo ururrada bulshada Rayidka ah.

Shirkan oo bilaabmay horaantii sannadkan ayaa waxa lagu qabtay
Wadamada Maraykanaka (Washington) ,South Africa iyo Wadanka Vietnam oo kulankiisii u dambeeyay lagu Qabtay.

Gabagabada Shirkan ka qabsoomay Waddanka Vietnam ayaa waxa khudbad ka Turjumaysa Taariikhda Somaliland maraaxilkii ay soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay Kula wadaagtay kasoo qayb galayaasha Ugbaad Axmed Xaashi oo Ka socotay Somaliland iyada oo matalaysay Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Waxaanay Marwo Ugbaad si gaara isu dul taagtay Doorashooyinkii Somaliland ay qabsatay ee qof iyo Codka ahaa iyo madaxweyneyaashii awooda sida nabadgelyada ah iskugu wareejiyay,Dimuqraadiyadda iyo halka ay Somaliland ka gaadhay Nidaamka dawladnimo kaasi oo ku dhisan Rabitaanka Shacabka iyo nidaamka Dimuqraadiga ah ee Xisbiyada Badan.

Ugu dambayna waxa Ugbaad Axmed ay u soo bandhigtay qayb galayaasha in fariinteeda Ku aadan Rajada shacabka Somaliland ee Aqoonsiga Madaxbannaanida Somaliland ay gaadhsiiyaan Wadamadii Iyo Hay’adaha Dawliga ah ee ay ka Kala yimaadeen.