Somaliland oo ka Qaybgalaysa Shirweynaha Maalgashiga Afrikada Dhexe

Hargeysa(Qaran news)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qayb gelaysa Shir-weynaha Maalgashiga Afrikada Dhexe, kaas oo ka furmi doona magaaladda Entebbe ee dalka Uganda 9ka bishan November.

Shir-weynahani noqon doono xudunta hal-abuurka, iskaashiga, iyo fursadaha maalgashi ee qaarada Afrika.
Waxa shirkan ka qayb geli doona 100 waddan oo dunnida ah,kuwaas oo ay ugu horeeyaan waddamada Uganda, Maraykanka, Ghana, Nigeria, South Africa, Jamhuuriyada dimuquraadiga ah ee Congo, Gabon, Cameroon, Canada, Rwanda, Kenya, Burundi, Madagascar, Indonesia, India, Zimbabwe, Somaliland, Somalia, Zambia , Namibia, Boqortooyada Ingiriiska, South Sudan, Imaaraadka Carabta, Tanzania, Malawi, Angola, iyo Sweden.

Waxa uu hal-ku-dhigga shirkani noqon doonaa sannadkan ,xooggana lagu saari doonaa Dhismaha Afrika,Kobcinta Iskaashiga Hor-u-marineed ee Afrika iyo Qurba-joogta,iyada oo inta uu shirkani socdo lagaga wada hadli doono,sidii loo fududayn lahaa isku socodka ganacsiga ka dhexeeya waddamada Afrika iyo adduunka.
Shir-weynahan ayay soo agaasintay Hay’adda Pilot International oo ah hay’ad hor-u-marineed oo caalami ah, waxa aanay ka shaqaysa iskaashiga iyo ganacsiga dhex mara 100 waddan oo dunnida ah,waxaanu shirkani socon doona muddo saddex maalmood ah.

Sannadkan 2023-ka ayaa noqonaya sannadkii labaad ee si xidhiidh ah uu u marti geliyo dalka Uganda Shirweynahan lagaga hadlayo Maalgashiga Afrikada Dhexe.