Somaliland oo looga Debaal-degay Xuska maalinta Macalinka Adduunka
Hargeysa(Qaran news)-Xuska maalinta macalinka adduunka ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, taas oo ay soo agaasintay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, isla markaana hal-ku-dhig looga dhigay โXoojinta barayaasha kabashada waxbarashadaโ.
Munaasibadan lagu weynaynayay xuska maalinta Macalinka adduunka ayaa waxa ka soo qayb galay arday, macalimiin, guddoomiyayaasha waxbarashada gobolka Maroodijeex, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur, ayaa munaasibadan maalintan macalinka adduunka ugu hanbalyeeyay dhammaan macalinta JSL, waxaanu xusay in damiirka macalinku ka shaqeeyo waxa fiican oo kaliya.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in macalinku, ka madhan yahay Qabyaalada, eexdaa, siyaasada, isla markaana waxa ugu badan ee uu wakhtigiisa iyo dadaalkiisa galiya uu yahay sidii uu bulshada wax u barilahaa.
Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland waxa uu balanqaaday in macalimiintii iyo maamulayaashi dadaalka dheeraadka ah ka sameeyay imtixaankii sanadkana kaalmaha hore ka galay in la abaalmarin doono.