
Warbixin Caalami ah: Somaliland oo Kasbatay Dareenka Washington”
“Dib-u-eegista Siyaasadda Maraykanka: Berbera oo noqotay furaha siyaasadda cusub ee U.S”
Brussels (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay daabacday International Crisis Group (ICG) ayaa iftiimisay doorka sii kordhaya ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay istaraatiijiyadda amniga Geeska Afrika, xilli maamulka madaxweyne Donald Trump uu dib u eegayo siyaasadda dawladda Maraykanka ee Soomaaliya. Sida lagu xusay warbixinta, oo Wargeyska Dawan soo xigtay, xasilloonida Somaliland, goobteeda istaraatiijiga ah iyo awoodda hay’adaha dawladnimo ayaa sii kordhinaya kaalinteeda siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Somaliland ay noqotay tiir muhiim ah oo saamaynteeda aan la iska indho-tiri karin ama aan si fudud looga maarmi karin. Sidoo kale, warbixintu waxay muujinaysaa in Somaliland ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo sii kordhaysa, isla markaana ay ku soo baxday lammaane muhiim u ah Maraykanka. Waxa ay intaa ku dartay in maamulka Trump uu dib u eegayo siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, iyadoo ay sii xoogaysanayaan doodaha ku saabsan doorka Somaliland iyo muhiimaddeeda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in dadaalladii Dawladda Maraykanku ku taageeraysay dowladda Muqdisho muddo ka badan labaatan sano aanay weli horseedin xasillooni waarta. Waxay sheegtay in ururka Al-Shabaab uu weli yahay khatar amni oo weyn, halka khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo dowlad-goboleedyadu ay caqabad ku yihiin dhismaha dowlad awood leh iyo horumarinta amniga.
Dhanka Somaliland, warbixintu waxay xustay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si weyn uga duwan tahay xaaladda qasan ee Soomaaliya. Waxay tilmaantay in Somaliland ay muddo ka badan soddon sano ku guulaysatay dhismaha hay’ado dowladeed oo dimuquraadi ah, ilaalinta amniga iyo xasiloonida gudaha iyo qabashada doorashooyin daah-furan oo isdaba joog ah, kuwaas oo sare u qaaday muhiimaddeeda istaraatiijiga ah ee gobolka.
“Marka laga eego dhinaca Somaliland, xaaladdu way ka duwan tahay. Somaliland waxay tan iyo 1991 dhistay hay’ado dowladeed, waxay ilaalisay amniga gudaha, isla markaana waxay qabatay doorashooyin isdaba joog ah. Arrimahaas ayaa sare u qaaday doorkeeda istaraatiijiga ah, gaar ahaan iyadoo ay sii kordhayaan tartamada awoodaha waaweyn ee Geeska Afrika,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Sidoo kale, Warbixintu waxay si gaar ah u xustay muhiimadda dekedda Berbera oo ku taalla marin-biyoodka Gacanka Cadmeed. Sida lagu sheegay warbixinta, dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera ayaa loo arkaa fursad istaraatiiji ah oo uu Maraykanku ku ballaadhin karo joogitaankiisa gobolka, isla markaana uu ku yareyn karo ku tiirsanaanta saldhiggiisa milatari ee Djibouti.
Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay sheegtay in gudaha Washington ay sii kordhayaan cododka diblumaasiyadeed ee taageeraya qaddiyadda Somaliland iyo doodaha ku saabsan dib u eegista siyaasaddii muddada dheer lagu taageerayay mabda’a “Hal Soomaaliya”, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaashu ay Somaliland u arkaan lammaane amni iyo istaraatiiji ah oo la isku hallayn karo.





