Warbixin Somaliland ku Ammaantay Dimuqraadiyadda iyo Horumarka”
“The Telegraph: Somaliland Waxay Leedahay Nidaam Casriya iyo Doorashooyin xora”
Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo uu daabacay wargeyska The Telegraph ayaa si weyn u ammaantay nidaamka dawladnimo iyo geedi-socodka dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo xustay in Somaliland ay leedahay hannaan doorasho oo daah-furan, oo ku dhisan caddaalad iyo tartan xor iyo xalaal ah, baarlamaan laba aqal ah, nidaam sharci oo shaqeeya, iyo ciidan qaran oo si masuuliyad leh uga shaqeeya sugidda amniga xuduudaha iyo xasilloonida guud ee dalka.
Wargeyska The Telegraph oo Waraysi gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in Somaliland ay hormuud u tahay la dagaallanka musuqmaasuqa doorashooyinka, isla markaana ay noqotay awoodda kaliya ee Dunida ka jirta ee lagula dagaallamo khiyaanada doorashooyinka, iyadoo adeegsanaysa nidaamka casriga ah ee sawirka indhaha (iris scanner technology), kaas oo ah hannaan gaar ah oo dunida ku cusub.
Sidoo kale warbixinta The Telegraph oo Wargeyska DAWAN soo xigtay ayaa lagu yidhi: “Sannadkii 1991, Somaliland waxay si guul leh dib ugu soo celisay madax-bannaanideedii iyada oo ku dhawaaqday inay tahay dawlad gaar ah. Deegaankan Muslimiinta Sunniga ah ee daacadda u ah diinta Islaamka, halkaas oo khamrigu mamnuuc ka yahay, xijaabkuna si weyn uga muuqdo bulshada, waxay qaadatay hannaan dawladnimo dimuqraadi ah oo la saaxiib ah dalalka reer galbeedka, waxayna noqotay goobta keliya ee dunida awood u leh in si casri ah lagula dagaallamo khiyaanada doorashooyinka iyadoo la adeegsanayo qalabka sawirka indhaha.”
The Telegraph ayaa sidoo kale xustay in Somaliland hodan ku tahay khayraad dabiici ah iyo kayd macdaneed oo baaxad leh. Warbixintu waxay tilmaantay in sahamin lagu sameeyey macdano dhif iyo naadir ku ah dunida oo Somaliland laga helay, gaar ahaan Macdasnta Lithium, oo ah macdan si weyn loogu isticmaalo baytariyada casriga ah. Waxaana lagu xusay “Dhawaan keydka Somaliland ee naadirka ah ayaa la sahamiyay, sida Macdanta Lithium oo ah walax kiimiko ah oo baahi weyn loo qabo.”
Waxa kale oo warbixintu iftiimisay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee xeebta Somaliland oo dhererkeedu ka badan yahay 530 mayl, kuna teedsan Gacanka Cadmeed oo ay marin muhiim ah oo isku xidha Marin-biyoodka Bab al-Mandab, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Sida lagu sheegay warbixinta, marin-biyoodkaas waxa mara ku dhawaad 15 boqolkiiba maraakiibta ganacsiga adduunka.
Warbixintu waxay xustay in dawladda Boqortooyada Ingiriiska, inkasta oo ay Somaliland la leedahay xidhiidh taariikhi ah oo qoto dheer, haddana ay ka gaabisay muddo dheer in ay ku si rasmi ah ugu dhawaaqdo aqoonsiga istaraatiijiga ah Somailland. Iyadoo ka cabsi qabta saamaynta ay arrintaasi ku yeelan karto danaheeda Afrika iyo xidhiidhadeeda diblomaasiyadeed.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay tilmaantay in dib-u-dhacaasi sababi karo in Dawladda Boqortooyadas Ingiruusku ay lumiso faa’iidooyinka muhiimka ah ee uu u keeni karo aqoonsiga Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dhinaca istiraatiijiyadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga, xilli ay dalal badan oo ka mid ah quwadaha caalamku ay si weyn ugu tartamayaan saamaynta Geeska Afrika, gaar ahaan Shiinaha oo dedaal badan ku bixinaya in uu buuxiyo booska bannaan.
Sidoo kale, warbixinta ayaa iftiimisay doorka dawlada Imaaraadka Carabta (United Arab Emirates) oo ah mid ka mid ah xulafada ugu waaweyn ee Somaliland. Waxa lagu xusay in shirkadda DP World ay ku maalgelisay Dekedda Berbera oo ah ta ugu weyn Somaliland, dhaqaale dhan $442 milyan (£329 milyan), tallaabadaasi oo dekedda Berbera ka dhigtay xarun ganacsi oo muhiim u ah Bariga Afrika.
Dhinaca taariikhda, The Telegraph waxay dib u xasuusisay in Somaliland ahayd maxmiyad British ah intii u dhaxaysay 1844 ilaa 1960, xilli ay Boqortooyada Britain ka faa’iidaysanaysay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee gobolka. Warbixintu waxay sidoo kale xustay doorkii shacabka reer Somaliland ay ka qaateen dagaalladii kowaad iyo labaad ee adduunka, iyadoo lagu sheegay: “Reer Somaliland waxay u dagaallameen calanka Midowga Boqortooyada UK labadii dagaal ee adduunka, waxaana si gaar ah loogu xusuustaa halgankii Ciidanka Geela ee Somaliland (Somaliland Camel Corps).”





