Ciidanka Boolisku dib u habayn iyo is beddel deg deg ah ayuu u baahan yahay
Dilalka dadka shacabka ah ee ku soo noqnoqday Gobolka Sanaag ee ay geysanayaan Ciidanka Booliisku, waa arrin foolxumo ku ah Qaranka Somaliland iyo xirfadii iyo masuuliyaddii ka saarnayd sugitaanka ammaanka muwaadiniinta.
Shalay, waxa deegaanka qaloocato ee degmada Ceel-Afweyn boolisku ku dilay Abokor Cumar Cali oo ka tirsan dadka reer miyiga ah ee deegaanka.
Jaamac Xuseen Toor ayaa ka horeeyey dilkan oo lagu dilay deegaanka Ceeryaan ayna dileen ciidamo uu watay badhasaabka gobolka Sanaag, 22-kii August, 2022.
Dilka kasii horeeyey oo dhacay 27-Sep-2022 ayaa isna lagu dilay Jaamac Cabdi Nuur deegaanka Ceeryaan.
Dhammaan dhacdooyinku waa kuwa aan tallaabo muuqata aan laga qaadin ciddii geystay, haddii ay sidan ku sii socotona waxa dhici kara in cadaawad ka dhextalo dadweynaha iyo Ciidamada.
Si arrimahan xal loogu helo si aanay ammaanka qaranka u dhaawicin, waa in is beddel deg deg ah lagu sameeyo Hoggaanka Ciidanka Bilayska, waa In tababarro la siiyo ciidamada Ammaanka, waa In sidii aan hore ugu baaqi jirnay dib u habayn gun iyo baar ah lagu sameeyo Ciidanka Booliska
Xoghayaha Caddaaladda xisbiga Waddani
yoonis Ahmed yoonis