MAREYKANKA

Soomaali horleh ayaa qiratay ku lug lahaanshaha musuq-maasuqa barnaamijkii nafaqeynta carruurta.

 

“Sida ku cad qirashada eedaysanaha iyo dukumentiyada maxkamadda, Cabdulqaadir Cawaale, oo 50-jir ah, ayaa qirtay in laga billaabo Abriil 2020 ilaa 2022, uu si bareer ah uga qaybqaatay qorshe been abuur ah isaga oo adeegsanaya ganacsigiisa uu qeybiyay in ka badan 3.6 milyan oo cunto ah goobo kala duwan oo ku yaalla Minnesota, taasoo dhan $11.8 milyan oo doollar oo been abuur ah.”ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska xeer-ilaalinta Mareykan ee gobolka Minnesota.

 

Toddobaadkii hore, Maxamed Cali Xuseen iyo Luul Bashiir Cali oo ah lammaane deggan magaalada Faribault ayaa qirtey doorkii ay ku lahaayeen mashruucan oo ay Dawladda Mareykanku sheegtay in lagu lunsaday $250 milyan intii lagu jiray xaaladdii COVID-19.