Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka Kristi Noem ayaa sheegtay in kala bar fiisayaasha lagu soo galay Minnesota ay yihiin “khiyaano” iyadoo ay socdaan baaritaano badan oo heer federaal ah oo lagu hayo gobolka.

“Waxaad ii sheegtay inaan eego Minnesota iyo khiyaanadooda fiisaha iyo barnaamijyadooda – 50% waa khiyaano, taasoo la micno ah in guddoomiye Tim Walz uu yahay doqon ama uu ula kac u sameeyay,” Noem ayaa sidaas tiri intii lagu jiray shirkii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan golaha wasiirrada ee madaxweyne Trump.

Noem ma aysan bixin ama ma keenin caddayn. warbaahinta ay BBC bahwadaagta yihiin ee CBS Minnesota waxay Arbacadii la xiriirtay waaxda iyada oo raadinaysa xogtaas iyo sidoo kale macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habka baarista eedeymaha musuqmaasuqa fiisaha ama dal-kugalka.

Afhayeenkooda weli kama jawaabin codsi ay warbaahinta u dirtay oo arrimahan ku aadan.

Sii akhri: Maxay tahay “khiyaanada” fiisooyinka ee ay dawladda Maraykanku ku eedeysay Soomaalida