Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyati (USSR) waxay cilaaqaad diblamaasiyadeed iyo mid siyaasadeedba si rasmiya u wada yeesheen 11kii bishii Sibtembar, 1960-kii, muddo yar ka dib markii labada dal, Waqooyi iyo Koonfur, ee xorriyadda qaatay sannadkii 1960kii, ay midoobeen, iskuna noqdeen Hal Dal oo dawlad keliya wada yeeshay,
Cilaaqaadkaasi dhex maray labada dal waxa ka dhashay fursad ay Soomaaliya kaga heshay kaalmo dhaqaale iyo mid mileteri Dawladdii Midowgii Soofiyati bishii laga billaabo Juun, 1961kii.
1962kii – 1965kii intii u dhaxaysay, waxay Dawladdii Midowgii Soofiyati Soomaaliya u bilawday lacag dayna (Finacial loan) oo u qoondaysnayd dhisidii Dekeda Berbera, oo dhammaatay 1969kii, Qalab Militeri, Deeqo waxbarasho iyo kharash ku baxay la-taliyeyaal militeriya oo qaabilsanaa qalabaynta iyo caysriyaynta ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed.
21kii bishii Oktoobar, 1969kii, markii ay ciidamadii xoogga dalka Soomnaliyeed ee uu hor boodayey, horjogahana uu u ahaa Maxamed Siyaad Barre ay taladii dalka xoog kula wareegeen, ka dib markii ay inqilaab dalka ka rideen, waxa si qoto dheer u sii xoogeystey xidhiidhkii ka dhaxeeyey Soomaakiya iyo Midiwgii Soofiyati.
Sannadkii 1970kii, Midowgii Soofiyadku waxa uu sii ballaadhiyey kaalmadii kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu mudnayd ballaadhinta iyo dheeraynta Dekeda Berbera iyo casriyeynta aqabka ka dejinta iyo ku-rarista alaabta maraakiibta (Forklifts, reach stackers, cranes, hoists, gantey and loaders).
11kii bishii Luulyo, 1974, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis saaxiibtinimo iyo Iskaashi iskugu jirey oo 20 sano ahaa. Heshiiskaasi isugu jirey saaxiibtinimada iyo iskaashiga wuxu furay fursad ay labada dal isku waydaarsadaan masaalix (interests).
Midowgii Soofiyati waxa uu Berbera ka samaystay Saldhig casriya oo leh dhabaha ugu dheer Afrika (10,000 illa 15,000 feet) oo aanay diyaaradaha oo keliya ka duuli karin, balse ay dayax gacmeedyaduna ka haadi karaan, hangarrada la dhigo hubka noocyadiisa kala duwan, sida madaafiicda, tawaangida, goobaha gantaalaha laga rido, haamaha shidaalka, iyo xarun dayactirka qalabka ciidamada.
Xukuumadii kacaan ku-sheegii waxay ayana ka beshay Midowgii Soofiyati hub aad u tiri badnaa.
Midowgii Soofiyadku wuxu Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ku qalabeeyay hub ay ka mid ahaayeen taangiyada T-54/T-55, diyaaradaha dagaalka ee MiG-21, MIG -19 iyo MiG-17, madaafiicd, iyo gantaalaha difaaca cirka, kuwa dhulka laga rido ee cirka loo tuuro, laguna rido diyaaradaha cadowga soo duula).
Jama Ismail
jamafalaag@gmail.com
Maqàalkani waxa qoray oo iska leh qoraha kor ku xusan oo ka mid ah akhristayaasha shabakada qoraalkiiduna isaga ayuu gaar u yahay





