Soomaaliya oo mar kale hawada u diiday
Diyaarad yar oo Ambulance ah

Hargeysa(Qaran news)- Soomaaliya ayaa mar kale maanta hawada Somaliland u diiday diyaarad yar oo ay leedahay Itoobiya oo ah nooca yar yar ee Ambulance-ka ah ee qaada qofka buka ee la gaynaayo cisbitaal dal kale ah si loo siiyo gurmad deg deg ah.

Sidaa waxa sheegay Aqoonyahan Ismaaciil Axmed oo sheegay in walaalkii lagu qaadi lahaa diyaaradaas oo sida ambalaaska u shaqeysa, waxaanu yidhi Saaka waxa ay dawladda Soomaaliya fasaxii hawada u diidday Air Ambulance lagu qaadi lahaa walaalkay oo dhiig madaxa kaga furmay oo u baahday in Addis Ababa qalliin loogu sameeyo.
Diyaaraddan yar ee ambalaaska ah oo hore u iman jirtay Hargeysa, ayaa si badheedh ah hayโ€™addu u hor istaagtay in ay timaaddo Hargeysa iyaga oo og in xaalad caafimaad oo degdeg ah loogu baahday. Imika waxa aanu tacab kale u galnay in Jigjiga diyaaraddu ka soo degto oo ay halkaa ka qaaddo.
Waxa la ii sheegay in kiisaskan oo kale dhacaan oo aan lagu baraarugsanayn. Sidaasi darteed, waxa loo baahan yahay in budhcaddan hawadeenna sida qaldan u maamulaysa wax laga qabto inta aanay bulshada dhaawac intan ka badan gaadhsiin.”