Xukuumadda Muuse Biixi ayaa xabsiga mar kale u taxaabtay Suldaam Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer.

Ma cada sababta xiligani suldaanka looga qabtay magaalada Burco oo uu hada ku xidhanyahay waxa uu Suldaan Cune si xoogann uu u dhaliilaa Xukuumadda Muuse Biixi. Xaga ay warar kale sheegayaan in xadhigiisa hada uu salka ku hayo rabshadaha ka jira koonfurta gobolka Togdheer.