Suldaan Samatar oo sheegay in aanay raali ka ahayn in xeebta Somaliland laga kireeyo Itoobiya,
Hargeysa(Qaran news)- Suldaan Samatar Suldaan Ibraahim Jaanac Samatar ayaa sheegay in lagu degdegay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.
Suldaanku wuxuu sheegay in aanay raali ka ahayn in xeebta Somaliland laga kireeyo Itoobiya, waxaanu ku dooday in dhul lagu beddesho aqoonsi ay tahay fikir khaldan oo aan oo u baahan in laga baaraan dego.
Suldaan Samatar waxa kaloo uu xusay in heshiiskaasi ihaanno ku yahay jiquraafiyadda Somaliland.
Wuxuu intaas ku daray in dalal badan oo adduunka ku yaalla oo aan la aqoonsanayni ay horumar sameeyeen dunida la macaamisho, wuxuuna tusaale u soo qaatay Taiwan oo xidhiidh ka dhexeeyo JSL.
Suldaanku wuxuu bulshada Awdal u soo jeediyay inay nabadgelyada ilaaliyaan oo ay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimaya.