Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa ilaa shalay maraayay oo booqanaayay deegaanka miyiga iyo tuulooyinka degmada Sabawanaag isaga oo dul istaagay goob kasta oo ay dadku joogaan waxa uu la kulmay haweenka, dhalinyarada, odayaasha iyo dadka reer miyiga ah ee deegaanada uu maraayay jooga suldaanka iyo waftiga uu hogaaminaayo ayaa goob kasta oo uu istaagsba ay dadku ku soo xoomaan iyada oo ay dar daaranka iyo talada suldaanku uu siinaayana si toos ah u qaatay isla markaasina uu suldaanku u duceeyay.
Deegaanka Sabawanaag oo ka mid ah deegaanada ugu baaxada weyn gobolka Maroodijeex ayayna xukuumadda Muuse Biixi ayna hal mashruuc ka fulinin dadka deegaanka aysan arag wax ama helin wax adeeg bulsho ah, waana deegaan ay dumarka umulayaa ay isku dhintaan sanadkan gudihiisa waxa isku dhintay dhowr jaween ah kadib markii degmadda Sabawanaag laga waayay irbadaha dhiig joojinta iyo adeeg caafimaadba, dhowr iskuul oo dunsan oo ay roobabku wax yeeleeyeena ay wali haawanayaan.