Sweden oo Ogolaatay in la gubo Baybalka
Sweden(Qaran news)-Mas’uuliyiinta dalka Sweden ayaa soo saaray sharci ogolaanaaya in nuqulo kamid ah Tawraad iyo Baybalka lagu gubo agagaarka safaaradda Israel ee magaaladda Stockholm ee caasimadda dalka Sweden.
Ogolaanshaha ay dawladda Sweden ogolaatay in la gubo Baybalka ayaa kusoo beegmaya xili la filayo in ay mudaharaadyo lagu gubayo Baybalka iyo Tawraad.
Idaaacdda Qaranka Sweden ee Sveriges Radio ayaa sheegtay in la fasaxay dadkii qaban qaabinaayey muddoharaadkan lagu gubayo Baybalka iyo Tawraad, iyada oo mudaharaadkani uu dhici doono Sabtida maanta.
Dhanka kalena Golaha Yuhuuda ee Yurub ayaa si adag uga hadlay tallaabadan ay dawladda Sweden ku fasaxday isu soo baxan lagu gubayo Baybalka iyo Tawraad,waxaanay sheegeen in ay si adag u cambaarayn doonaan falkan iyo go’aanka dawladda Swedenba.
War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Yuhuuda ee Yurub ayaa lagu sheegay in daan daansiga,Cunsuriyadda iyo nacaybka Yuhuuda,sida tan oo kale aanay meelna ku lahayn bulsho kasta oo ilbaxnimo leh.
Dawladda Sweden ayaa hore u ogolaatay gubitaanka Kitaabka Qur’aanka kariimka ah,iyada oo nin u dhashay dalka Ciraaq uu hore ugu gubay dalkaas,taas oo cadho badan ku abuurtay bulshada Muslimiinta ah.