Taariikh Nololeedkii  Siyaasi Ismail Buubaa

Alle ha u naxariistee pro Ismail Hurre Buubaa waxa uu raad qoto dheeer ku lahaa Siyaasadda, Tacliinta iyo Taariikhda Soomaalida, waayaddii danbe na waxa uu ahaa marjac loo noqo , waayo arag nolaleed , xeeldheere lafa-gura hadba duruufaha taaggan.
Waxa aan filayaa badi dhalinyaradu in aanay xog ka hayn taariikh nololleedkii marxuumka sidaa awgeed aan halkan ku soo koobayaanaa halgankii dheeraa ee Wax barasho iyo xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay intii uu noolaa
1943kii: Waxa uu ku dhashay deeggaanka Maygaagta oo ah duleedka bari ee magaaladda Hargeysa. Dhalashaddiisii waxa uu kula magac baxay Ismaaciil-habarwaa oo looga jeedo hooyaddii oo ku umul-aroortay dhalashadiisa.
1943 – 1947kii: Waxa uu ku dhex barbaaray ardaaga geelloodda oo ahaa miyiga iyo duleeddada Awaare.
1947 – 1948kii: Waxa uu malcaamad Qur’aanka ka dhigtay magaaladda Boorama.
1948 – 1951kii: Waxa uu dhigtay dugsigii hoose ee u horreeyey ee magaaladda Boorama yeelato, waxaanu ka mid ahaa ardaydii u horreysay ee la qoray.
1951 – 1955kii: Waxa uu dhigtay dugsigii dhexe ee Camuud, waxaanu ka mid ahaa ardaydii fasalkii 4aad ee lagu bilaabay.
1955 – 1957kii: Waxa uu qaatay 2 sanno oo dugsi sare ah, halkaas oo uu ku qaatay degmada Sheekh.
1957 – 1958kii: Waxa uu macallin ka noqday dugsigii hoose e Awbarre, isaga oo aad u da’ yar.
1959kii: Waxa uu galay imtaxaankii GGga, halkaas oo uu ku dhamaystay dugsigiisii sare.
1959 – 1961kii: Waxa uu dib ugu noqday macallinimaddii, waxaanu ka noqday dugsiyaddii Hargeysa sida; Lafa-dhacay(Janan Daa’uud), Axmed Guray iyo qaar kale.
1961 – 1965kii: Waxa uu waxbarasho ugu baxay dalka Maraykanka, waxaanu shahaaddada 1aad(Bachelor) ka qaatay jaamacadda New Mexico ee dalka Maraykanka, waxaanu bartay luqadda Ingiriisida iyo Taariikhda.
1964kii: Waxa uu jaamacadda ka helay abaal marin kaddib markii uu kaalinta 1aad ka galay tartan gabayadda afka ingiriisida ah, sida oo kale na waxa uu kaalinta 2aad galay tartan curinta sheekooyinka ah.
1965 – 1967kii: Waxa uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, waxaanu macallin af-ingiriisiga dhiga ka noqday Lafoole(NTEC).
1967 – 1969kii: Waxa uu dib ugu laabtay Maraykanka halkaas oo uu shahaadada 2aad(Masters) ka qaatay jaamacada Syracuse ee New York, waxaanu ku qaatay Creative Writing ka.
1968kii: Waxa uu helay abaal marin isaga oo kaalinta 1aad ku guulaystay qoraalka sheekooyinka ee qorayaasha da’da yar ee Maraykanka.
1969 – 1970kii: Waxa uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, waxaanu Hormuud iyo Macallin ka noqday kulliyaddii waxbarashada ee Lafoole gaar ahaan waaxdii Luqadda ingiriisida.
1970 – 1971kii: Inqilaabkii Siyaad Barre kaddib, waxa uu ka mid ahaa dadkii diiday in ay la shaqeeyaan xukuumaddiisa, waxaanu iskaga baxay dalka, isaga oo dib ugu laabtay dalka Maraykanka. Jaamacadda Brandies University ee dalka Maraykanka ayuu dib uga bilaabay Ph.D.diisii 1aad, isaga oo ku diyaariyey “History of Ideas”.
1970 – 1971kii: Waxa uu Agaasime(Director) ka noqday Brandies University qaybta “Transitional Year Programka”.
1971 – 1973kii: Waxa uu bare jaamacaddeed oo af-ingiriisiga dhiga ka noqday University of New Hampshire ee dalka maraykanka.
1972 – 973kii: Waxa uu Ph.Ddiisii 2aad ka diyaariyey jaamacadda Boston University ee dalka Maraykanka, isaga oo ku diyaariyey Philosophy Interests.
1974 – 1975kii: Waxa uu tagay dalka Masar, waxaanu Jaamacadda Carabta(Arab League) gaar ahaan waaxda Arrimaha Siyaasadda uu u noqday lafa-gure siyaasaddeed oo sare(Senior Political Analyst).
1975kii: Waxa uu iska casilay jagadaas kaddib markii uu cadaadis kala kulmay Siyaad Barre oo geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay in xilkaas laga qaado.
1975 – 1977kii: Waxa uu bare jaamacaddeed ka noqday King Abdulaziz University, isaga oo ka dhigi jiray afka Ingiriisiga.
1977 – 1984kii: Waxa uu Agaasime-maamul(Managing Director) ka noqday MAFCO for Trade and Contracts oo ahayd shirkad Sucuudiga ka hawlgasha.
1981 – 1991kii: Waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii u horreeyey ee SNM iyo xubin firfircoon oo Golaha Dhexe ah.
1984 – 1989kii: Waxa uu Agaasime-maamul(Managing Director) iyo La-taliye Dhaqaale(Economic Advisor) ka noqday QUADRICO oo ahayd shirkad ka hawlgasha Sucuudiga.
1991 – 1992kii: Waxa uu noqday wasiirkii Maaliyada ee u horreeyey ee Somaliland kaddib dib u goosashaddii xilligii xukuumaddii madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali(Tuur). Waxaana lagu xasuustaa in uu lahaa hindisaha iyo daabacaadda Shilinka Somaliland.
2000 – 2004tii: Waxa uu noqday xubin ka mid ah Baarlamaankii Soomaaliya ee xilligii xukuumaddii TFGda ee madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.
2000 – 2002dii: Waxa uu noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya xilligii xukuumaddii TFGda ee xukuumaddii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.
2004 – 2008dii: Waxa uu noqday xubin ka mid ah Baarlamaankii Soomaaliya ee xilligii xukuumaddii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed.
2004 – 2005kii: Waxa uu noqday Wasiirkii Wasaaraddii Iskaashiga Gobolka ee Soomaaliya, xilligii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed.
2006 – 2007dii: Waxa uu noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Ra’isal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya xilligii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed.
2007 – 2008dii: Waxa uu noqday Wasiirkii Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumaddii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed.
2008dii: Intii ka danbaysay waxa uu ahaa ruug caddaa Siyaasaddeed oo Geeska Afrika, gaar ahaan deggelka Soomaalida wax laga weydiiyo. Waxaanu ahaa aqoonyahan, taariikhyahan iyo siyaasi il-dheer.
Alle ha u naxariistee marka laga reebo afka Soomaaliga oo uu u dhashay waxa uu si fiican ugu hadli jiray afafka Ingiriisiga iyo Carabiga.
Maanta oo ah Arbaca (05.04.2023) ayuu ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaan Alle u weydiinayaa Janna firdawsa in uu ku casuumo. Aamiin.
Khadar Abshir Yuusuf.
May be an image of 3 people and people standing