Berbera, (Qaran news)- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Rooda Cilmi ayaa ka qaybgashay xaflad lagu qabtay Berbera oo lagu hirgelinayey Taawar cusub oo ciidamada ilaalada xeebuhu kula soconayaan dhaqdhaqaaqa baddaha Somaliland.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Marwo Rooda Cilmi ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaantay Taawarka ciidammada baddu kula soconayaan xarakaadka iyo dhaqdhaqaaqyada ka jira xeebta oo ay sheegtay inay ka jiraan xasarado badan oo u baahan in laga digtoonaado.
Waxa kaloo ay u mahad celisay Hay’adda caalamiga ah ee gacanta ka geystay wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland