Tababar Goleyaasha Deegaanka Looga Furay Burco
Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo kaashanaysa Hay’adda UN-HABITAT ayaa Tababar uga furtay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Tog-dheer, qaar ka mid Xildhibaanada Goleyaasha Degaanka ee dalka.
Tababarkan oo Socon doona muddo shan casho waxaa uu ku saabsan yahay Xalinta khilaafaadka Goleyaasha Degaanka ee dalka (Conflict Management Training for Local Councillors).
Muddada uu socdo ayay Xildhibaanadu ku baran doonaan sida loo xaliyo khilaafaadka Goleyaasha Degaanka.
Agaasimaha Waaxda Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Maxamed ayaa furay shirkan saaka waxaana ka soo qayb galay maayirka iyo Maayir Ku xigeenka Degmada Burco.