Tababar loo soo Gabogabeeyay Goleyaasha Deegaanka ee Saddex degmo


Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Yusuuf Ismaaciil, ayaa Tababar maanta u soo xidhay Xildhibaanada Goleyaasha Degaanka ee Degmooyinka Boorama, Berbera iyo Gebilay.

Tababarkan oo ku saabsanaa xalinta khilaafaadka Goleyaasha Degaanka ee dalka (Conflict Management Training for Local Councillors) ayaa ka qabsoomay Hotel Jees ee Magaalada Hargeysa, kaasoo Xildhibaanada uga socdey muddo shan cisho oo xidhiidh ah.

Waxayna ku barteen Xildhibaanada Goleyaasha Degaanku Tababarkan sida loo xaliyo ama loo maamulo khilaafaadka ka dhex dhasha Goleyaasha Degaanka, Tababarkan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Hay’adda UN-HABITAT.

Agaasimaha Guud ayaa shahaadooyin Guddoonsiiyey Xildhibaanada Goleyaasha Degaanka.