INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka Bahda Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay AHN Marxuum Garyaqaan Ibraahim Xaashi Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Manchester, ee dalka UK.

Guddoomiyuhu wuxu ku sifeeyay marxuum garyaqaan Ibraahim Xaashi Jaamac in uu ahaa khabiir dhanka sharciga ah oo wax badan ku biiriyay xeerarka dalka gaar ahaan, ururrintooda, sharaxaadooda iyo waliba turjumaadooda, waxaanu xusay in marxuumku uu si dhaw ula shaqayn jiray Waaxda Garsoorka dalka.

AHN Garyaqaan Ibraahim Xaashi Jaamac, waa aas-aasaha shabakada (Somalilandlaw.com) oo ay ku kaydsan yihiin dhammaan xeerarkii dalku isla markaana faa’iido weyn u ah cid kasta oo u baahata daalacashadooda.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, ehelladii, qaraabadii, asxaabtii, bahda Garsoorka iyo shacbiga Somalilana ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.