𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Dawladda iyo ka Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo uu Aabihii (AHUN) Cumar Xaaji Cabdilaahi Xasan uu maanta (22.06.2025) ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay oday Qaran oo sama-talis ahaa, nabadayntii iyo dib-u-dhiska dalkana door muuqda ku lahaa.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyska, Ehellada, Qaraabada, Asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
𝐈𝐍𝐍𝐀𝐀 𝐋𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐖𝐀 𝐈𝐍𝐍𝐀𝐀 𝐈𝐋𝐀𝐘𝐇𝐈 𝐑𝐀𝐀𝐉𝐈𝐂𝐔𝐔𝐍
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝





