Taiwan oo Agab Caafimaad ku wareejisay Somaliland
Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta agab Caafimaad kala wareegay Safaaradda dalka Taiwan.
Xafladda agabkan Caafimaad lagula wareegayay oo ka qabsoontay hall-ka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa waxaa kasoo qayb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Safiirka Safaaradda Dalka Taiwan, agaasime ku xigeenka Cusbitaalka guud ee Hargaysa, Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Wasaaradda, saraakiil ka socotay Safaradda Taiwan, Shaqaalaha Caafimaadka mudan iyo marti sharaf kale.
ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Agaasime ku xigeenka Cusbitaalka guud ee Hargaysa, isagoo ka waramay agabkan Caafimaad iyo sida uu uga qayb-qaadan doono dadaalada ka socda Cusbitaalka.
sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay oo ka waramay agabkan Caafimaad iyo waxyaabaha uu ka kooban yahay, Safiirka Safaaradda Taiwan ee Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in ay marwalba diyaar u yihiin inay Wasaaradda kala shaqeeyaan arimaha Caafimaadka, agabkan Caafimaadna uu ka mid yahay taageerada joogtada ah ee ay Taiwan siiso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah ugala wareegay agabkan Caafimaad Safaaradda Taiwan ayaa uga mahadceliyay taageerada ay marwalba la garab taagan yihiin Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, isagoo xusay in uu qalabkan Caafimaad wax-weyn ka tari doono dadaalada ay Wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista adeegyada Caafimaadka ee dhaman Cusbitaalada dalka.
markay Xafladu soo dhamaatay ayaa waftigu wuxuu soo kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargaysa gaar ahaan Waadhka Carruurta yaryar si ay ugu kuur galaan, adeegyada iyo shaqada ka socota halkaa.