“Taladii Somaliland Ciin bay Daaqday” Cali Guray

Hargeysa(Qaran news)- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay in xaaladda Somaliland halis geli karto haddii aan heshiis ka gaadhin.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Taladii Somaliland ciin bay daaqday. Horta doorasho aan la isla ogolayn oo Somaliland ka qabsoonta iyada tuur ma jirayso eh. Muuse Biixi hadii mucaaridku ogolaado muddo kordhinta ma ogolaanayaa in meesha uu ka saaro doorashadan ururada ee isagu uu soo dhex geliyay? Hadii ay haa tahay waa xal lagu kala badbaadi karo. Balse lagama yaabo in Muuse ogolaado

Mucaaridku gaar ahaan Waddani ma ogolaan karaa in labada doorasho ay u dhexaysay lix bilood balse ta ururadu soo horayso? Hadii ay haa tahay iyaduna waa xal dani-ku-baday ah oo lagu kala badbaadi karo hadii uu Muusena la ogolaado. Balse Muuse iyo Mucaaridka lagama yaabo in dhinacna ogolaado

Sidaa marka ay tahay ma jiri karto doorasho la isla ogol yahay doorasho aan la isla ogolayn oo dalka ka qabsoomi kartaana ma jirto. Markaa mustaqbalka dhaw xaaladda dalku sida ay noqon karto werwer badan ayaa laga qabi karaa. Tii Allehna maqan tiisa mooyee tu kalena noqon mayso.

Khatarta ugu wayn ee laga fakari karaa waa doorasho aan la isla ogolayn uu Muuse isku dayo in uu qasab ku socodsiiyo waana markaa marka ay Somaliland halis u tahay Dagaal Sokeeye oo lixda gobol ay xabbaddu mar ka wada bilaabmi karto. ALLAHAYOW NABADGELYO NA SII UUN DHEHA ADAY TAADA NOQOTAAYE.”