
Maamulka Taliban ee Afghanistan ayaa sheegay inay qaadeen weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah saldhigyada xuduudaha Pakistan ee bariga iyo koonfurta bari ee dalkaas.
Afhayeen u hadlay dowladda Taliban, Zabiullah Mujahid, ayaa BBC-da u sheegay, in ciidamada Afghanistan ay burburiyeen 19 saldhig oo xuduudda Pakistan ah, isla markaana ay xireen tiro ka mid ah askarta Pakistan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in in ka badan 50 askari oo Pakistan ah la dilay.
Ma jirin xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirooyinkaas.
Dhanka kale, Pakistan waxay sheegtay inay burburisay 27 saldhig xuduudeed oo ay lahaayeen Taliban-ka Afgaanistaan, waxayna sheegtay inay khasaare xooggan gaarsiisay ciidamada Taliban.
Bbcsomali





