Taliska Booliska oo ka Hadlay Dirawal Hooyo Umul ah Jiidhay

Hargeysa(Qaran news)- Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inuu gacanta ku hayo eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah oo
saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah.

Eedaysanaha ayaa ka mid ahaa dirawallada gaadiidka ee Dawladda Hoose Hargaysa.

Ciidamada Boolisku waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay gacanta ku soo dhigay Eedeysanaha iyo gaadhiigaba waxaanay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska. waxaanan sida ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu murugada la qaybsanayaa ehelkii marxuumadaasi ka geeriyootay , waxaanan alle uga baryaynaa inuu naxarisitii janno haka waraabiyo.
انا لله وانا اليه راجعون