Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa magacaabis iyo isku badel cusub ku sameeyay Hoggaamada iyo Taliye Qaybyada Ciidanka Booliska ee Gobollada, kuwaas oo kala ah:
1- Hoggaanka Ciidanka Booliska JSL
Gashaanle Sare Maxamed Xaaji Nuur Khaliif

2-Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer
Gashaanle Sare Saleebaan Ducaale Warsame (Dhagacade)

3-Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag
Gashaanle Sare Axmed Cabdilaahi Cabdi

4-Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sara
Gashaanle Dhexe Khadar Faarax Cumar

5-Taliyaha Qaybta Bariga Hargeysa
Gashaanle Dhexe Baashe Cabdilaahi Cismaan

6- Taliyaha Qaybta Galbeedka Hargeysa
Gashaanle Dhexe Kayse Suudi Carraale

7-Taliyaha Qaybta Gobolka Hawd
Gashaanle Sare Maxamed Xandulle Faarax

8- Hoggaanka Cilmi Baadhista
Gashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed

9-Hoggaanka Kormeerka
Gashaanle Dhexe Muuse Xasan Kaahin

10- Taliyaha Kulliyada Tababarka Mandheera ;Gaashaanle Sare Jaamac Ibraahin Aadan

11- Taliyaha Saldhigga Booliska Ibraahim Koodbuur
Gaashaanle Dhexe Mahadi Nuur Maxamed

Dhammaan saraakiishan la magacaabay waxa la farayaa in degdeg xilka ula wareegaan .