Taliyaha Ciidanka Debdamiska oo la Shiray Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda


Hargeysa(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Taliyaha ciidanka dabdamiska Somaliland sarreeya guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), oo hawlo shaqo u jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Awdal, ayaa la shiray, guddoomiyaha gobolka Saaxil, duqa degmada Berbera, Maareyaha Dekeddaha Somaliland, Maareeyaha kaydka haamaha shidaalka Berbera, iyo masuuliyiin ka socday Dp.world, Oomaar, Dost, Somgas iyo Shirkadaha Laydhka.

Shirkani intii uu socday waxa lagu gorfeeyay sidii talo looga yeelanlahaa ka hortaga aafada dabka, maadaama magaalada Berbera ay tahay magaalo ganacsiyeed muhiima, isla markaana ay ku yaalaan goobo waa weyn oo halis u ah dabka.

Sidoo kale Taliye Sawaaxili waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee dekedda, haamaha, hangarada iyo xarunta ciidanka dabdamiska ee magaalada Berbera.

Gaba-gabadii waxa la isla qaatay in la sameeyo isku xidh ka dhaxeeya daneeyaasha taasoo si isku mida loogu soo gurmanayo hadba goobta wax ka dhacaan iyo in qiimeyntaas kadib la sameeyo agabka ku haboon ee ka hortagga.