Taliye Taani oo Booqday Gobolka Sanaaag
Hargeysa(Qaran)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ku sugan Gobolka Sanaag ayaa soo kormeerey Xeryaha Ciidamada ee Magaalada Ceerigaabo.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa uu xilalkii u Kala wareejiyay Taliyihii hore ee qaybta 3aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag Sarreeyo guuto 6 Muuse Jaamac Delef iyo Taliyaha Cusub ee dhawaaan xilkaasi loo soo Magacaabay Gaashaanle Sare Cabdilaahi Suufi.