Taliyahaa Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye ayaa kormeer shaqo ku tagey isaga oo ay weheliyaan wefti ka socota haayada EUCAP gaar ahaana wadanka Holland, waxaana madax ka ahaa Mr Pateth

Waxay kormeereen Xarunta saldhiga 1-aad ee Ciidanka ,dhismaha isagaadhsiinta casriga ah ee ee ciidanka CIX , xarunta farasamada doonyaha Ciidanka ee loo yaqaano ( Dry docks ) iyo sidoo kale raxanta doonyaha lagu xidho ( jetty boats ) iyo hoosada gaadiid badda ee xarunta ciidanka , kuwaasi oo waxbadan laga qabtay kuwo kalena lagu kordhindoono bilaha soo socda

Ujeedada socdaalka weftigan ayaa ahaa qiimaynta waxyaabaha u qabsoomay ciidanka ilaalada xeebaha gaar ahaana saldhiga 1-aad ee Berbera