Sida aynu la wada socono wadada Berbera corridor waa wado casri ah oo isku xidha berbera ilaa wajaale waxaana hirgalinteeda lahaa dawlada emaraatka carabta, waxaana lagu haminayey in ay noqoto tayadeedu mid aad u saraysa sida ay u qurux badan tahayba, se waxa soo baxay wax aan laga filanaynin iyadoo wadadii cusbayd ay waxyeeleeyeen roobabkii u horeeyey ee curtay.
Roobabka oo bilow uun ah ayaa hadana waxay waxyeelo soo gaadhay biriishyadii lays lahaa waxa lagaga raysanaya kala xidhankii xili roobaadka dooxyadu kala xidhi jirtay, waxaana waxyeelo soo gaadhay ilaa sadex ama afar biriish taas oo muujinaysa tayo xumaanta wadadan.
Waxa laga rabay dawlada in ay korjoogtayso oo daba-gal ku samayso tayada wadadan iyo wadooyinka kalaba iyada oo ay u xilsaaranatay haayada wadooyinka somaliland.

Inkasta oo roobabku bilow uun hada yihiin waxa laga yaaba in hadii ay roobabku sii socdaan wadadana waxyeelo inta ka badani soo gaadho taas oo sumcad daro ku noqon doonta cid kasta oo gacanta ku haysay wadan hirgalinteeda.
Hadaba dawlada waxa la gudboon xiligan in ay u saarto khubaro iyo ingineero wadooyinka ku takhasusay oo soo baadha sababta keentay in sidan fudud ay u dumaan biriishyadani oo ay wadadan waxyeelo u soo gaadho, ka dibna ay warbixinta la wadaagaan haayada wadooyinka soomlailand markaasna la bilaabo si dayactir dhamays tiran loogu sameeyo.
Waxaynu tusaale cad u soo qaadan karnaa biriishka wayn ee magaalada hargeisa ku dhexyaala ee mudada nus qarniga ah dhisan, may soo gaadhin waxyeelada hada soo gaadhay biriishyadii cusbaa ee qaarkood hada dumeen, taasbaana tusaale cad u ah in tayada biriishyadani ay aad u liitaan una baahanyihiin dib ugu noqosho iyo hubin xaga tayadooda ah.
Ugu dambayn waxa inala gudboon in shacabku ka taxadiraan marka ay dulmarayaan biriishayadan cusub siiba xiliga roobabku da,ayaan ama daadku marayo, waayo khatar ayaa ka iman karta alle inaguma keene, waxaana waajib ku ah dawlada in si degdeg ah ula xisaabtanto cidii wadadan dhisideeda masuulka ka ahayd.
Wabillahi Tawfiiq
W/Q: Ahmed Harir Adem
Hargeisa, somaliland