Nin Hadla, Nin Aamusa Dilley, Waxey Baadheen. Ciro Shalley iyo Maanta. Waxey soo Waayeen. Ciro Aflagaado iyo Cey-qaawan Cidd kula duldhacey. Siwalba wey u baadheen Ciro Ceytamaya oo cadheysan way soo waayeen.

Markaasey yidhaahdeen. Waa Quraradd Maddow aan la akhriyi karin. (Politics is a timing). Cabdirahman Waxu garanaya wadaanta ceelka halku ka darayo. Waxu ogyahey waxyaabo badan oo aan taageerayaasha Xisbigu ogeyn oo ah.

In si caadifadeysan loo kiciyo. Waxu aad u xakameyey, Isku dhacyo badan oo dalkeena ka dhici lahaa oo xukumaddu soo abaabushey. Waxu badbaadiyey dhiig ku daadan lahaa. Burco, Ceergaabo, Hargeisa.

Waxu si mutuxan u xakameyey shacab badan oo gadoodsan oo ka xanaaqsana in Mudaharaddii dadku ku dhinteen doonayeyna in la sii waddo. Dadkuna qoryahooda soo qaataan oo isdafaacaan.

Waxu ilaa hadda ku wadaa hadafkiisa Siyasadeed iyo hogaamintiisa tolmoon, Caqli iyo diplomasiyadadd ku dhisan waayo aragnimo xeel dheer, oo ku dheehan tahey lexjeclo iyo wadda jirka Shacabka Somaliland

Waxu ogyahey iney khasab tahey in dalkan doorasho ka dhaceyso. laguna badbaadin karo jiritaanka Somaliland. Balse Madaxweyne Muuse rabo inuu la rafto, Maalinba mus iyo ood isku qaado. Isagoo rabay in kacdoonka shacabku ku helayo cimridherersi uu kursiga ku sii joogo.

Hadaba muwaadin, Waxii ka danbeeya bisha May-2023 Sinaba xukumaddani ulama sii rafan karto iney baajiso Doorashadda Madaxtoyadda nin jecel iyo nin neceba. Sanadkan dalkeena doorasho wey ka dhaceysa.

 

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari