MA TII GARAB CASE OO KALE AYAA LA RABAA TALAW?

Sidaynu ka war qabno muddo 7 bilood ah, ayuu dagaal ku dhex maraayay gobolka sool ciidamada somaliland iyo ciidamo ka soo jeeda bulshada gobokaas,
Dagaal kaasi intii uu socday wuxuu galaaftay nafo badan,hanti badanina way ku burburtay, qof kaste oo wax garad ahina wuu ka soo hor jeeday dagaalkaa,
hadaba ilaa maalintii uu bilaabmay iyo ilaa maanta cid kaste oo ku naf wayday waan tacsiyadaynayaa,cid kaste oo ku naafawdayna waan u ducaynayaa!

Dagaalkii dhex maray itoobiya iyo somaliya 1977 kii,markii hore waxa ku gacan sareeyay ciidamadii somaliya,lakin markii ay itoobiya u soo gurmadeen midawgii soofiyaadku waa la rogtay,oo waatii hal mar la yidhi:” ka baxaay”!
Hadaba ciidamadii Dawladii somaliya markii ay soo gaadheen jigjiga gaar ahaan meesha la yidhaahdo: garab case, waxay gacantooda ku laayeen 84 sarkaal, oo ka mid ahaa ama ahaaba saraakiishii laga yaabay geesinimadooda, arrintaas oo lagu sababeeyay: inay ahaayeen kuwii guul darrada hor seeday! Sida laga wada war qabo,arrintaasina ilaa maanta waa bar madaw oo ku taalla ummadda somaliyeed!
Xagga Af carabiga arrintan waxa loo yaqaanaa: {كبش الفداء}
Hadaba dawladaha waa u caado,markay dagaal ku fashilmaan inay eedda cid gaar ah dusha u saaraan,si ay u helaan cudur daar,
Sidaa darteed waxa jira: dad doonaya inay wixii
Maanta ka dhacay aagga maraaga iyo gooja cadde, dusha ka saaraan saraakiil ama beelo gaar ah!
taas oo u muuqata in la abuurayo sabab, saraakiishaa ama beelahaa loogu mar marsoodo oo lagu xalaashado
Dhiigooda,si la mid ah dhacdadii garab case ee 1978 kii, hadaba waxan halkan uga nasteexaynayaa Ninka aanu ilmaadeerka nahay ee la yidhaahdo: FAYSAL OSMAN, oo ka mid ah: shakhsiyaadka arinkaa ilaa maanta miidhiyaha wareejinaaya,
Waxaan leeyay inaadeeraw: maanta oo kale beenta ayaa badane saraakiishan iyo beelahan aad eedaynayso ka fiirso,waayo hadalkaagaasi nafo ayuu galaafan karaa!

Gunaanad: hadal hadii uu wax taraayo in badan ayaa la hadlaye,waxan arrin ku soo koobayaa:
{CAANO DAATAY DABADOOD LA QABAY
AYAA INOO DANA}.

By:Garaad sh Axmed Cali Aadan