Tobanka dal ee ay shacabkooda heystaan hubka ugu badan caalamka

Hubka ku jira gacanta rayidka

Sannadihii lasoo dhaafay waxaa Mareykanka kusoo batay weerarrada toogashada ah oo dad badan lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay. Soo noqnoqoshada weerarrada noocan ah ayaa loo sababeeyay tirade hubka ee gacanta shacabka ku jirta oo aad u badan.

Sanadkan 2023-ka gudihiisa oo keliya waxaa Mareykanka ka dhacay ilaa 130 weerar oo toogasho ah. Weerarradaas waxaa ka mid ah kii ugu dambeeyay ee Subaxnimadii Isniinta lala beegsaday iskuul ku yaalla magaalada Nashville.

Lix qof oo ay ku jireen saddex carruur ah ayaa lagu dilay weerarkaas oo uu geystay nin hubeysan.

Waaxda aruurinta xogta ku saabsan qalalaasaha loo adeegsado hubka ku jira gacanta rayidka ayaa sheegtay in sannadihii ugu dambeeyay ay si aad ah u kordheen falalka toogashada ah.

Mid kasta oo ka mid ah saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxaa Mareykanka ka dhacay in ka badan 600 oo toogasho, taasoo u dhiganta in celcelis ahaan ay maalintiiba dhacayeen labo weerar oo toogasho ah.

Muran muddo dheer jiray ayaa ka taagan sida loo xakameyn karo hubka galaya gacanta shacabka, iyadoo weli la isku afgaran la’yahay in la hirgeliyo sharci mamnuucaya hubka.

Waa imisa tirada hubka ee ay heystaan shacabka Mareykanka?

Hubka mareykanka

Inkastoo ay adag tahay in la tiriyo hubka igusu jira qoryaha iyo bastooladaha eek u jira gacanta dadka rayidka ah ee caalamka, haddana tirajoobkii ugu dambeeyay ee ay sameysay hay’adahha daraaseysa hubka fudud ee fadhigeedu yahay Switzerland oo lagu magacaabo Small Arms Survey waxay ku qiyaastay in ilaa 390 milyan oo qori ay ku jiraan gacanta dadweynaha Mareykanka.

Hay’addan ayaa qiyaastaas sameysay sanadkii 2018-kii, waxaana suurtagal ah in ay tiradu hadda intaas ka badan tahay.

Qiyaasta guud ayaa muujineysa in tiradaas ay ka dhigan tahay in 100-kii qof ee rayid ah ay kusoo aadayaan 120.5 qori.

Sanadkii 2011-kii waxay tiradan ahayd 88 qori oo ku soo aadaya 100-kii qof. Tani waxay aad uga badan tahay tirade hubka eek u jirta gacanta shacabka dalalka kale ee caalamka.

Waddanka Yemen oo ku xiga Mareykanka ayay shacabkiisa heystaan wax ka yar kala bar tirada hubka ay heystaan shacabka Mareykanka.

Tobanka dal ee ay shacabkoodu heystaan hubka ugu badan

Dhimasho badan ayuu sababaa hubka ku jira gacanta rayidka
Dhimasho badan ayuu sababaa hubka ku jira gacanta rayidka

Mareykanka: Boqolkii qof ee ka tirsan shacabka Mareykanka waxay heystaan 120.5 qori.

Yemen: Boqolkii qof iyo 52.8 qori

Serbia: Boqolkii qof iyo 39-1 qori

Montenegro: Boqolkii qof iyo 39-1 qori

Uruguay: Boqolkii qof iyo 34.7

Canada: Boqolkii qof iyo 34.7

Qubrus: Boqolkii qof iyo 34

Finland: Boqolkii qof iyo 32.4

Lubnaan: Boqolkii qof iyo 31.9

Iceland: Boqolkii qof iyo 31.7