Itoobiya: Todoba qof ayaa ku dhintay ka dib markii dhisme ay daganaayeen uu ku soo dumay Addis_Abeba

Addis Ababa, (Qaran news)-Todoba qof ayaa ku dhimatay ka dib markii dhisme ay daganaayeen uu ku soo dumay magaalada Addis Ababa, Addis Kifle Ketema (xaafad hoosaadka) ee degmada 12, oo ku taal meel gaar ah oo lagu magacaabo Masjidka Tero.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa maamulka sare ee degmada Aida Awol ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku dhinteen kadib markii uu dumay guri ay daganaayeen oo uu ku dul dhacay guri kale oo ku yaala dhabarka dambe. Shilkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe saacadu markii ay aheyd 11-kii habeenimo ee xiliga geeska Afrika.

Warku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dadka dhintay, waxa sababay burburka iyo khasaaraha kale.