
TOLKAYOOW WAAN IDIIN MAQANAHAY EE IDIN KUMA MAQNI
Waxaan ahay Fihiim Yuusuf Quuje
Tweet. Waxan ahay inantiinii. Waxaan ahay walaashiin. Waan idiin gar dhiganayaa. Ma ihi qof caadifadi qaado oo kolba dhinac u jeesata. Waan sahan tagaa, marka wixii aan u socday arko in aanu shaqaynayn ayaan dhinac kale uga wareegaa anigoo naftaydana qanciyay ciddii kalena qancin kara.
Waxaan isleeyahay ma jiro ama wuu yar yahay qof Dhulbahante ah oo halgankii iyo naf-hurnimadaydii sameeyay. Anigoo heli karayay sida dadka qaarkood in aan magaalooyinka waaweyn iskaga soo raaxaysto oo halganka dusha kala socdo ayaan u badheedhay in aan dadkayga dhex joogo oo xabadda isku dhigo.
Waxaan ahaa dadkii sida wayn ugu ololaynayay in aynu Muqdisho wax la qabsanno ee maamul goboleedka Waqooyi Bari soo dhiciyay. Hamse Cabdi Barre iyo Xassan Sheekh Maxamuud in ay yimaadaan Laascaanood anigaa kasoo shaqeeyay. Xamar maanta waxba kama hayno.
Dhulbahante maanta dhulkiisii isagaa xor u ah, waxaase isweydiin mudan ma isku bixin karnaa sidan. Warsangali oo walaaladeen ah ma hayno oo waa xaqiiq. Puntland oo deriskeenna ah ma hayno. Somaliland oo wax badani inaga dhexeeyaan ma hayno. Xamar oo kumanaan KM inoo jirto oo aynu u godobownay, waynu aragnaa Xassan Sheekh inta jeer ee uu toos inoogu sheegay in aynaan wax jira ahayn.
Hooyada iyo caruurta Dhulbahante ee ku nool Sanaag, Sool iyo Cayn waxay u baahan yahiin nabad. Waxay u rabaan nolol. Waxay u baahan yihiin waxbarasho. Waxay u baahan yihiin caafimaad. Waxay u baahan yihiin in la dareeyo oo xuquuqdooda la ilaaliyo.
Dadku waa dhal iyo dhasheed. Waa abti iyo ilmaabti. Boqolaal sano ayaynu deegaanka kusoo wada noolayn, ilaa qiyaamuhu ka dhacayana waynu ku wada noolaanaynaa oo sidaasi ayaynu isku ag joogaynaa. Ma sheegin hadii Ilaahay labadeena mid ahaan Meesha ka qaado oo ay hallaagmaan. Ninka geel jiraha ah ee Jaamac Siyaad waxa dad ugu dhaw ninka habarjeclo ee ay derika yihiin ee isku bii’adda ku nool yihiin. Ka hadii roob soo da’o ay ka wada cabbayaan, ka hadii ay abbaari dhacdana ay wada saamaynayso.
Waxaynu oghanay dunidii siday maanta tahay. Noloshii siday u adkaatay. Halgankii aynu galnay wixii khasaare inaga soo gaadhay waad ogtihiin. Inta agoon inoo joogta tiro malaha. Hadana inta hadhay in aan nolol u raadino oo caadifada ka korno ayaa loo baahan yahay maanta.
Diinteennu iimaanka waxay ka horreysiisay nabadda iyo ammaanka. Nabad la’aan waa nolol la’aan. Koonfur maanta waxba inaga xigaan. Waan soo taabtay gunteeda. Ma aha meel dawladnimo iyo Soomaalinimo u jeedda. Markaan ka soo quustay ayaan xal ka eeg is idhi Hargeysadii aad ogaydeen wixii aynu kala mudannay.
Dadka Ilaahay caqli buu siiyay ay ku kala gartaan xumaha iyo sammaha. Caqli ay ku kala gartaan saxa iyo qaladka. Caqli ay ku kala gartaan xaqa iyo baadilka. Maanta waxaynu u baahannay wixii aynu jiritaankeena iyo midnimadeena ku sii badhi-taari lahayn.
Anigu waxaan kow ka ahaa dadkii Waqooyi bari aas aasay. Anigu waxaan tagay Muqdisho anigoo aaminsan in Soomaalinimo wax lagu raadiyo. Waxaan kala kulmay niyad jab. Waxaan soo arkay in aan reer Waqooyi la kala jeclayn, hadii cid mudnaan la siinayana ay Isaaq iyo Hargeysa mudnaanta siinayaan.
Tusaalaha ugu yar ee in aynu ku hungownay Koonfur, waxa kow ka ah in ciidankeenii aanay wax mushahar ah ka helin Xamar, halka Puntland dhawr kun oo ciidan ahi mushahar ka qaataan Xassan Sheekh. Waxa la inoo quudhi waayay tallaalka Hirshabelle oo Jawhar maamusha la siiyay in la in siiyo.
Dadkaygiiyow, tolkay’ow idinkama mudni in aad i caydaan. In aad i af lagaadaysaan. Dantiina ayaan u maqanahay. Idinka ayaan idiin maqanahay. Nabad iyo Horumar ayaan idiinku maqanahay.
Haddii uu gaadhi kaa galo meel dhiiqo ah oo aad xaga horena ka aragto dhiiqo kasii badan, caqligu kuma siinayo in aad hore ugu sii socoto. Waxaynu u baahanahay in aynu noolaano. In aynu horumar gaadhno. In aynu la tartanno bulshooyinka qayrkeen ah. Cidda ina ogol ee aynu wax wada qabsan karno anigu waan ogohay, idinna waa ogtihin hadaan la is yeelyaalayn.
Dagaalo way dhacaan. Waligeedna way dhici jireen. Ha noqdaan qabiilooyin is dila ama dawladaba. Markasta waxa colaada ka danbeeya nabad. Wax kasta oo dhaca waa laga heshiiyaa. Dalka yar ee Ruwaanda waxii ka dhacay waynu ku haynaa taariikhda, maantana waddanada horumarka Africa hoggaaminaya weeyaan.
Bulshooyinkii halkaa ku noolaa dad aan ka yarayn Milyan qof ayay iska xasuuqeen oo waliba qoladi yarayd xasuuq ku dhacay. Waa laga heshiiyay, maanta waa meelaha Afrika ugu horumarsan dhinac kasta. Waxa taa keentay in ay iska illoobeen maalmihii madoobaa ee soo maray, iyo gummaadkii dhacay waayo wixii dhacay way dhaceen oo lama soo celin karo, ee waxa uun la isweydiinayaa sidii aanu wixii oo kale u dhici lahayn. Waana ta keentay in la is cafiyo nolol qurux bandanna la sameeyay.
Dadka reer Ruwanda waliba badankoodu waa gaalo. Inaga oo ummad muslim ah, ilaahayna ina faray cafiska ma jirto wax ka wanaagsan in nabad iyo cafis aynu qaadano oo dadka derisnimo iyo walaalnimo u horseedno.
Dhulbahantow, tolkaygiiyoow, anigu ma ihi qof la idiin isticmaali karo. Ma ihi qof lacagi goyn karto. Mana ihi qof damiirkeedu liito oo hunguri ku shaqaysata. Idinkaan idiin maqanahay. Wax aan idiin cuntaminna idiin keeni mayo. Wixii aad ka yeelaysaana taladeeda idinkaa leh.
Anigu Hargeysa dalxiis umaan iman. Qof u riyaaqsan in la soo dhaweeyo oo qudha ma ihi, hadii aanan dadkayga uga keeni karin hadafkaan lahayn iyo wixii ay xaqa u lahaayeen. Qof cad quudheed soo qaadanaya ma ihi. Ogaadana anigu in aan idin kala furfuro oo khilaaf idin dhex dhigo uma joogo halkan, ee waxaan doonayaa in walaaladeen Dawlad ku dhisan caddaalad iyo sinnaan wada wadaagno.





