“Toloow mee Madaxweynaheeni go’aanka adkaa iyo Wasiiradeeni labada qawlal ka xun bayn jiray ee mid ba mar u jawaabi jiray Xisbiyada Mucaaradka ah. Mise marka ay halkaas oo kale xaalku gaadho warkoodu waa hogosho.”
“Xasan Sheekh Maxameed caawa hadal jeedintiisi waxa uu arintii Sool joogtay ku daray Sanaag oo waxa uu ka dhigay in ay tahay qadiyad si isku mid ah labadaa Gobol u saamaysa.
Waxa kale oo uu sheegay in ay iyagu arinta wada hadalkeeda ka shaqaynayaan oo ay iyagu soo direen Odayadii dhawan Hargaysa yimi. Ergaygana u magacaabeen.
Waxa kale oo uu isticmaalay oo waliba ku celceliyay weedha ah “Goboladii Waqooyi”, isagoo Somaliland u jeeda.
Waxa kale oo uu sheegay in Reer Sool iyo Reer Sanaag tooda uun socon doonto. Isagoo arintii Laascaanood joogtay labadaas Gobol ba ka dhaxaysiiyay.
Toloow mee Madaxweynaheeni go’aanka adkaa iyo Wasiiradeeni labada qawlal ka xun bayn jiray ee mid ba mar u jawaabi jiray Xisbiyada Mucaaradka ah. Mise marka ay halkaas oo kale xaalku gaadho warkoodu waa hogosho.”