Trump oo ku dhawaaqay heshiis baax weyn oo uu la gaadhay Jabbaan
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay heshiis ganacsi oo uu la galay Japan taasoo Mareykanka uu si weyn hoos ugu dhigi doono canshuurtii 25% ahayd ee horey ugu soo rogay badeecadaha Japan. Canshuurtaasi waxay hadda noqon doontaa 15% halkii ay ka ahaan lahayd 25%.Tallaabadan ayaa sare u qaaday saamiyada suuqa Japan, gaar ahaan shirkadaha baabuurta.